Codsiga Deeqda Horumarinta Shaqaalaha HCBS ee loogu talagalay xirfadleyaasha daryeelka ee tooska ah si ay u horumariyaan iskaashatooyinka shaqaaluhu leeyihiin 

| Resume a previously saved form
Resume Later

In order to be able to resume this form later, please enter your email and choose a password.

Xirfadleyaasha daryeelka tooska ah ee raba inay codsadaan barnaamijka deeqda horumarinta shaqaalaha ee HCBS ee loogu talagalay iskaashatooyinka ay shaqaaluhu leeyihiin waa inay buuxiyaan foomkan . Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan deeqda lafteeda, tag bogga Deeqaha Horumarinta Shaqaalaha ee HCBS. Haddii aad qabto su'aalo, kala xiriir bixiyaha deeqda ee uu gobolku magacaabay, Dallada Horumariyeyaasha Bulshada ee Caasimad Goboleedka (MCCD, Metropolitan Consortium of Community Developers), barta info@mccdmn.org.

Macluumaadka codsadaha

 
Bixi waxyaabaha soo socda ee qaybta ka ah codsigaaga (waajib).  Yaa ah xiriirka koowaad ee kooxdaada iskaashatooyinka?   











Noo sheeg wax ku saabsan kooxdaada (waajib) 






Su'aalaha dheeraadka ah (ikhtiyaari)
Waxtar ayay u leedahay MCCD iyo DHS inay ogaadaan inay codsadayaashu ay qayb ka yihiin urur bartilmaameed ah ama bulsho aan si buuxda loo metelin (si aad u hesho sharraxaad, booqo bogga mareegta ee Deeqaha DHS iyo RFPs). Jawaabaha aad ka bixiso su'aalahaan waa la mahadnaqayaa balse looma baahna. Hubi inaad weydiiso xubnaha kale ee ka mid ah kooxdaada sida uu mid walba uga jawaabi lahaa su'aalahaan. Ha ka fikirin lab iyo dheddig, qowmiyad, sinji ama luuqad adoo ku salaynayo muuqaalka. 
Immisa ka mid ah xubnaha iskaashatada ayaa isku aqoonsan: 








Signatures and attestations
Caddeynta  Loogu talagalay qofka buuxinaya foomkan
 
Waxaan caddeynayaa in dhammaan xubnaha ka midka ah iskaashatadayda, ee ku qoran gudaha codsigan, ay i siiyeen oggolaansho aan wax ugu saxiixo anoo iyaga u metelaya wakiil idman ahaan iyadoo ujeedadu tahay codsashada deeqda horumarinta iskaashatada.
  • Waxaan qirayaa inaan la tashaday dhammaan xubnaha kale ee iskaashatada kahor inta aan magacyadooda ku qorin foomkan.
  • Waxaan qirayaa in xogta la bixiyey ay run tahay oo ay dhammaystiran tahay inta aan ogahay. Waxaan fahamsanahay in bixinta macluumaad been-abuur ah ay keeni karto shuruud ah in iskaashatada ay dib u siiso Dallada Horumariyeyaasha Bulshada ee Caasimad Goboleedka (MCCD, Metropolitan Consortium of Community Developers) wixii maalgelin ah ee la helay iyadoo loo marayo deeqdan.
  • Annagu [magaca iskaashatada/kooxda] waxaan caddeyneynaa inaan MCCD dib ugu celin doono lacagaha deeqda ah ee laga helo haddii aan la dhisin iskaashato ugu dambeyn Juun 30, 2024 oo siisa adeegyada HCBS dadka naafada ah ama dadka waayeelka ah. “Aasaas” macneheedu waa ganacsigeena iskaashatada/ururka aan faa'iido doonka ahayn wuxuu bilaabay inuu gobolka Minnesota ka helo magdhowga adeegyada HCBS ee la bixiyo.
  • Annaga [magaca iskaashatada/kooxda] waxaan caddeyneynaa inaan MCCD dib ugu celin doono lacagaha deeqda ah ee laga helo haddii aynu la imaan dadaal daacad ah si aan u bixino adeegyo tayo leh, shaqsiga ku saleysan bilowga ilaa dhammaadka muddada deeqda.
  • Annaga [magaca iskaashatada/kooxda] waxaan caddeyneynaa inaan MCCD dib ugu celin doono lacagaha deeqda ah ee laga helo haddii aan lumino shatiga HCBS kahor Juun 30, 2024, iyadoo ugu wacan tahay musuqmaasuq, si xun u adeegsi, ku xadgudub, dayacaad ama xadgudubyada kale ee shatiyeed.
  • Annaga [magaca iskaashatada/kooxda] waxaan caddeyneynaa inaynu iibin doonin ganacsigayada iskaashatooyinka ah ama ururka aan faa'iido doonka ahayn seddex sano gudahooda markaan helno lacagaha deeqda ah. Si kastaba ha ahaatee, ka-dhaafitaano ayaa laga yaabaa in la sameeyo marka ay jirto dhibaato dhaqaale oo la xaqiijin karo oo aan laga fursan karin, iyadoo ku xiran go'aanka MCCD. Haddii aan iibino iskaashatada oo ka-dhaafitaan aynu ka helin MCCD, waxaan oggolnahay inaan MCCD dib ugu celino lacagta deeqda ah oo dhan.
  • Annagu [magaca iskaashatada/kooxda] waxaan caddeyneynaa inaan kaliya u isticmaali doono lacagaha deeqda ah ujeeddada taageeridda horumarka iyo joogteynta iskaashatadeena sida lagu qeexay gudaha codsiga.